Turkiga Oo Gobolka Sool Ku Sheegay Soomaaliya, Toddobaad Ka Dib Kulan Madaxweyne Biixi La Yeeshay Ergayga Wada-hadallada
Dawladda Turkiga oo dhawaan soo Magacowday ergay la sheegay inuu u qaabilsan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa muujisay inay illaa hadda u xaglinayso dhinaca Dalka Soomaaliya.
Dhexdhexaadnimo la’aanta Dawladda Turkiga ee arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxay dib u soo cusboonaatay isla-markaana dibedda u soo baxday, ka dib markii Xafiiska Turkigu uu ku leeyahay Dalka Soomaaliya baahiyey inay Toddobaadkii hore gargaar Bani-aadamnimo ku qaybiyeen Gobolka Sool ee Soomaaliya, isagoo Xafiiskaasi iska indho-tiray in Gobolka Sool ka mid yahay Somaliland.
Xafiiska Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa qoraalkan oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka wuxuu ku yidhi “Toddobaadkii hore, Bisha Cas ee Turkiga ayaa Gargaar Bani-aadamnimo u qaybiyey Gobolka Sool ee Soomaaliya..”
Xafiiska Turkiga ee Magaalada Muqdisho ma sheegin degaanka ka midka ah Gobolka Sool ee ay gargaarka gaadhsiiyeen, nooca gargaarku ahaa iyo Tirada Dadka ay siiyeen, balse waxay sheegeen inay gargaar Bani-aadamnimo ku qaybiyeen Gobolka Sool.
Toddobaad ka hor, waxa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Ergayga Dawladda Turkigu u Magacowday Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, masuulkaas oo hore u ahaa Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya.
Madaxweyne Biixi ayaa Ergayga Turkigu u soo Magacaabay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu u soo jeediyey in Dawladdiisu sinto taageeradeeda Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo Madaxweynuhu u caddeeyay in Taageerada Turkigu siiyo Soomaaliya ay ka badan tahay ta Somaliland uu siiyo, taasina aanay Caddaalad ahayn, sida lagu sheegay War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka dhex maray Madaxweynaha iyo Ergaygaasi.