Baadariga ugu wayn madhabta Catholic-ga ee Nigeria, ayaa sheegay in madaxda Nigeria ay dalkaas ka dhigeen mid aan dhalinyarada uu roonayn,

 

 

 

Baadariga ugu wayn madhabta Catholic-ga ee Nigeria, ayaa sheegay in madaxda Nigeria ay dalkaas ka dhigeen mid aan dhalinyarada uu roonayn, taas oo dhalinyarada ku khasabtay in ay si sharci darro ah ugu haajiraan dalalka Yurub.

Baadari, John Onaiyekan ayaa sheegay in haddii uu madaxweyne ahaan lahaa uu iscasili lahaa.

Waxa uu masuuliyiinta dalkaas ku dhaliilay in ay diiradda saaraan noloshooda oo kaliya – iyo in ay dhistaan daaro waawayn caalamkana u tamashle tagaan.

Wadaadkan 75 jirka ah ayaa aad uga xumaaday kadib markii uu arkay haween reer Nigeria ah oo inta la tahriibiyey dawarsanaya dariiqyada Rome iyo magaalooyin kale oo Talyaaniga kuyaal.

Onaiyekan ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen madaxda kaniisadaha dalkaas oo looga hadlayey tahriibka oo ka dhacay caasimadda dalkaas.

,

Bishii February, madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa dib loogu doortay doorashadii ka dhacday dalka Nigeria. Oo ah dalka ugu badan Afrika xagga wax soo saarka saliidda halkaas oo afar meelood meel kamid ah dadweynaha dalkaas ay shaqo la’aan yihiin.

Sanadihii lasoo dhaafay kumanaan qof oo reer Nigeria ah ayaa naftooda khatar u galiyey safar ay kusii marayaan lama dagaanka Liibiya iyo badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Tirada dadka tagaya Talyaaniga ayaa sanadkii 2016-kii ahaan jirtay 40,000 oo qof balse sanadkii hore ayay hoos ugu dhacday 1,250 oo qof. Arrintaas ayaa timid kadib markii Midowga Yurub ay qaadeen tallaabooyin adag oo ay ku cadaadinayaan dadka wax tahriibiya.

Sagoolooti badan oo reer Nigeria ah ayaa ka yimaada gobolka Koonfureed ee Edo, kaas oo saldhig u ah dadka wax tahriibiya.

Haweenka iyo gabdhaha yar yar ayaa badanaa dalkaas laga tahriibiyaa ayagoo loo ballan qaadayo fursad shaqo – balse qaar badan oo haweenkaas kamid ah ayaa lagu khasbaa in ay jirkooda ka ganacsadaan.

Wadaadkan ayaa BBC-da u sheegay sidatan: “waxaan si kal furan idiinku sheegaya, ceeb ayaan dareemay, waxaan maray waddooyinka Rome, Milan, iyo Naples waxaana ku arkay gabdhaheenii oo dariiqyada lagu iibinayo”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker