Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Muqdisho(OWN)- Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday Muqdisho Mall oo ah goobo laga tukaameeysto oo ku taalo degmada Xamar-weyne ee Muqdisho.
Wararka soo baxaya qaraxaasi iyo khasaarihiisa ka dhashay ayaa waxa ay sheegayaan in dad ka badan 10 qof ay ku geeriyoodeen, kuwaas oo ku dhintay dhismo ku soo dumay oo ay ku jireen.
khasaaraha ayaa intaasi ka badan sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo oo aan ka heleeyno xarumaha caafimaas.
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya wali kama hadlin qaraxan saaka ka dhacay Muqdisho.
Halka qaraxa uu ka dhacay waxa ay aad ugu dhowdahay xarunta Dowlada Hoose iyo saldhiga degmada Xamar-weyne .
Oodweynenews Muqdisho