Nin Qaliin Lagu Sameeyey Kadib Markii Uu Liqay Findhicilka Ilkaha
Nin u dhashay Dalka China ayaa lagu sameeyey Qaliin aad u layaab badan kadib markii ninkaasi uu muddo aad u dheer ka cabanayey xumad aad u daran iyo calool xanuun.
Sababta xanuunkaasi ku keentay ayaa waxay tahay in ninkani uu si qaldan u liqay Findhicilka Ilkaha , marar dhawr ah ayaa ninkani waxa uu u tegay dhakhaatiir, balse nasiib daro may ogaanin waxa uu ka cabanayo.
Sida lagu baahiyey bukaankan ayaa waxay ay daโdiisu tahay 29 jir waxaana magaciisa la yidhaa Zhou waxaanu sheegay inuu findhicilkaasi ku riday Koob uu wax ku cabo si aanay dadka martida u ahi aanay uga isticmaalin waxaanay dhakhaatiirta haatan daaweeyay ay sheegeen in findhicilkaasi uu ninkani liqay sanado ka hor.
Findhicilka ninka laga soo saaray ayaa cabirkiisa ku sheegeen inuu ahaa 6cm, waana sababta ninkaasi ku keentay xanuunka xad dhaafka ah.