Derek Chauvin Oo Ahaa Ninkii Dilay Floyd Oo Xabsiga Laga Sii Daayey

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters, waxaa lagu sii daayay shuruud ah in uusan ka shaqeyn booliska iyo inaanu  la xidhiidhin qoyska George Floyd. Sidoo kale waa inuu dhiibaa dhammaan shatiyada hubka.

 

Dhammaan afartii sarkaal ee bilayska ahaa ee ka danbeeyey dilkii arxan darrada ahaa ee ka dhacay magaalada Minneapolis 25-kii Maajo ayaa sidaas lagu sii daayay.

Maalintii dilku dhacay maalintii ku xigtay ayaa saraakiishan shaqada laga ceyriyay. Halka Chauvin lagu soo oogay dacwad dil ah, seddexda kale waxaa lagu soo eedeeyay inay gacan ka geysteen dilka. Maxkamadeynta ayaa loo qorsheeyay inay bilaabato bisha Maarso ee sanadka soo socda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker