Ninkii Sameeyey App-ka Bulli Bai Oo Lagu Ceebaynayey Haweenka Muslimiinta india oo La Xidhay

Booliiska dalka India ayaa maanta xidhay ninkii sameeyay app lasoo geliyay sawirrada in ka badan 100 dumar Muslimiin ah oo la sheegay inay “iib” ahaayeen.

Neeraj Bishnoi, oo 21 sano jir ah ayaa noqday qofkii afaraad ee loo qabto kiiska dadka lala xiriirinayo App-kaasi.
App-ka oo la yidhaahdo “Bulli Bai” ayaa hawada laga saaray inkastoo ay weli cirka isku sii shareerayso carada uu horseeday.

Arrintani ayaa noqoneysa isku daygii labaad ee lagu dhibaataynayo dumarka Muslimiinta ahi ee Hindiya, oo sawirradooda lagu faafiyay internet-ka iyada oo la sheegaya in la xaraashayo.

Ujeeddada arrintan ayaa ah in la bahdilo haweenka Muslimiinta ahi – arrimahaasi oo intooda badan si weyn u soo batay tan iyo markii uu xukunka dalkaasi la wareegay xisbiga ay Hinduunimada ku weynt ahay ee uu hoggaamiyo ra’iisalwasaare Narendra Modi.
Liiska dumarka ku jira App-ka ayaa waxaa ka mid ah wariyeyaal dhowr ah, jilaa Bollywoodka ka tirsan iyo hooyo 65-jirka ah ee dhashay arday Hindi ah oo la waayay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker