Tirada dadka uu haleelay Cudurka Ebola oo sare u kacday Wadanka Congo.

Xukuumadda jamhuuryada dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegtay in ay sare u kacday tirada dadka uu haleelay cudurka Ebola bariga dalkaasi.

Waxa ay xukuumadda ku dhawaaqday in adeeg caafimaad oo bilaash ah loo fidayay dadka ku nool saddex magaalo oo u cudurkani saameeyay.

Magaalooyiinka adeega caafimaad ee bilaashka ah helaya ayaa waxaa ay kala yihiin Beni, Mabalako-Mangina et Wicha) si loo xaqiijiyo in dhammaan dadka uu cudurka saameeyay ay u helaan daawayn.

Waa markii sagaalaad oo cudurkaasi lagu arkayo qeybo ka mid ah dalka Congo, waxaana saddex ka mid ah ay ahaayeen intii u dhaxeysay sanaddada 2014 ilaa 2016.

Cudurkan ayaa la rumeysan yahay in laga qaado nooc ka mid ah kibilida oo midhaha dhirta ku nool kana weyn fiidmeerta caadiga ah balse waxa uu dadku isku qaadsiiyaa dhiigga iyo dhecaanka kale ee jidhka ama xitaa waxaa faafiya xayawaanka sida daanyeerka, deerada ama cawsha iyo kashiitada.

.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker