Wararkii Ugu Danbeeyay Weerarka Iyo Qaraxyo ka Socda Magaalada Nairobi.

Nairobi-(OWN)-Warar ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay weerar qaraxyo ku bilaawday oo lagu qaaday dhismo ay ku yaallaan hoteello iyo xafiisyo.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab oo afhayeen u hadlay uu sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen wax uu ugu yeeray howlgalka laga fuliyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay gudaha u galleen dhismaha la weeraray, waxaana la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha goor dhaw naga filo…

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker