Dawladda Jabouti oo Taageero isl Dhinac Taagtay Dawlada Federaalka ah ee Ethiopia

Jabuuti (OWN) – Xukuumadda Jabuuti ayaa war cusub ka soo saartay colaadda iyo dagaallada ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Ethipia.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay inay diyaar u tahay dadaal kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeyo TPLF iyo dowladda dhexe.

 

Sidoo kale waxa ay Jabuuti intaasi ku dartay inay mar-weliba Taageereyso midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee Itoobiya.

 

 

“Jabuuti waxay si buuxda u Taageereysaa midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee federaalka Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

 

 

Dowladda Jabuuti waxay sidoo kale intaasi ku dartay in ay in si weyn uga walaacsan-tahay dagaallada ka soo cusboonaaday waqooyiga dalkaasi.

 

 

Hadalkan ka soo Baxay  Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli xaalad adag ay ka taagan waqooyiga wadanka Itoobiya.

 

Oo ay haatan ka socdaan weeraro iyo dagaallo culus oo u dheexeya ciidamada milatariga TPLF iyo kuwa federaalka ee dalkaasi.

Balse Warar.Xaqiiq ah oo ay Warbaahintu Helayso ayaa Sheegaya in Dhufaysyo badan laga Qabsaday Ciidamada Tigrayga ee TPLF

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker