Ethiopia Oo Laga Dhacay Lacagtii Ugu Tirada Badnayd +Waa Imisa Cadadka Lacagtaasi.
Addis-ababa-(OWN)-17 bangi oo ku yaalla Itoobiya ayaa la dhacay todobaadkan. Waxa lagu macneeyay hawlgalladii lacagtii ugu badnayd lagu dhacay taariikhda Itoobiya. Dhammaan Bangiyada waxa weerar lagu asqeeyay saacadda oo ah 11-kii waxaana la weeraray isku mar.
Waxa uu weerarkii u horeeyay dhacay Sabtidii oo 11 bangi la weeraray lana jabsaday iyada oo hantidooda la waxyeeleeyay lana dhacay lacagtii iyo shaqaalaha qaarkood. Masuuliyiinta gobol ku yaalla galbeedka ismaamulka Oromada ayaa laanta afka Axmaariga ee BBC-da u sheegay in budhcad hubaysan weerartay kadibna dhacday bangiyo dhawr ah oo ay ku jiraan kuwo dawladda Federaalku leedahay.
Sida oo kale Axaddii ayaa la jabsaday lix bangi oo kale kuwaas isla hal mar la weeraray saacadda oo ah 11-kii maalinimo. Guud ahaanba jabhadda weerarrada gaysatay waxay ku baxsadeen baabuur ay wateen iyaga oo qaatay lacag badan oo aan xaddigeeda wali la sheegin.
Masuuliyiinta Itoobiya waxay sheegeen in bangiyada qaarkood dhammaantood la burburiyay qaarna waxyeello weyn loo gaystay. Kombuyuutarrada iyo mashiinnada ATM ayaa ka mid ah waxyaabaha la burburiyay waxaana la kaxaystay afar qof oo la sheegay in laba la soo daayay. Masuuliyiinta gobolka Oromadu waxay weerarradan ku eedeeyeen jabhadda Oromada ee OLF.
Jabhadda Oromada ee OLF oo u dagaallami jirtay xorriyadda dadkooda intii dawladihii hore ka talinayeen Itoobiya waxa heshiisyo la galay Dr Abiy Axmed oo soo galiyay dalka isaga oo kula heshiiyay in ay halgankooda dalka gudihiisa ku wadaan iyaga oo u maraya hab siyaasadeed oo nabad ah.
Hase ahaatee kooxda OLF waxay dhawaanahan ku eedaynaysay Raโisal wasaare Abiy Axmed in uu jabiyay heshiiskii nabadeed ee bishii August ay kula saxeexdeen caasimadda Ereteriya kaas oo ujeedkiisu ahaa in ururku siyaasadda si rasmi ah ugu soo laabto laakiin, dawladda ayaa jabhadda OLF ugu baaqday in ay si dhakhso ah hubka u dhigto iyada oo qaarkood ku eedaysay in ay faldambiyeedyo sameeyaan.
Maalmihii la soo dhaafay hawlgallo military oo ay ka mid yihiin duqaymo ayay dawladda Federaalku la beegsatay fadhiisimada OLF taas oo daba socotay dhacdooyinkii todobaadkan.
Source: Ethiopiaobserver