Haweenay U Dhalatay Bangladesh ayaa Socdaal Lugta Ah Ku Soo Martay 141 Dal Oo Somaliland Soo Gaadhay
Miss Najmun Nahar oo dhalatay Dalka Bangladesh oo 141 dal safar lugta ah ku soo martay ayaa Toddobaadkan soo gaadhay Somaliland oo noqonaysa dalkii 142-aad ee soo marto.
Miss Najmun Nahar oo ujeeddada socdaalkeedu tahay dhiirigelinta Nabadda waxa ay socdaal dheer oo ay dalba dal uga gudbaysey ku maraysaa dunida, waxayna doonaysaa inay dhammaan Dalalka dunida socdaal ku marto.
Haweenaydan waxay tidhi โWaxaan soo maray 141 Dal oo dunida ah, waxayna Somaliland noqonaysaa dalkii 142-aad ee soo gaadho, waxaanan ka soo galay Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti. Waxaan ku faraxsanahay sida ay Dadka reer Somaliland ii soo dhaweeyeen, waxaanan dunida u sheegi doonaa Nabadda taalla Somaliland iyo qiimaheeda, Cid kasta waxaanu u sheegi doonaa in la aqoonsado Somaliland..โ
Miss Najmun Nahar waxay waxyaabo xiiso badan oo soo jiita inta ay safarkeeda ku guda jirtay, waxayna Somaliland uga soo gudbi doontaa dalalka kale ee bariga Afrika, iyadoo faafinaysa qiimaha Nabaddu leedahay.