Qarax ka dhacay Afgaanistaan xilli la isu diyaarinayay munaasabadda ciidda

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Logar ee dalka Afgaanistaan.Weerarkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday baabuur walxa qarxa laga soo buuxiyay.

Qarax ayaa yimid xilli dhawaan dowladda dalkaas iyo kooxda Taliban ay ku heshiyeen xabadjoojin, taas oo kooxda Taliban ay sheegtay in ujeedka uu yahay maalmaha ciidda.

Kooxda Taliban ayaa beenisay inay ka dambeysay qaraxa, halka kooxda IS oo weeraro horay uga geysatayna aanay ilaa iyo hadda ka hadlin weerarka.

Afhayeenka gobolka Logar ayaa wakalaadda wararka ee AFP u sheegay in weerarka la aaminsan yahay in uu geystay qof isa soo midaamiyay, waxaana uu ka dhacay meel aan ka fogeyn xafiiska barasaabka gobolkaas, halkaas oo dad badan ay ka dukaameysanayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker