Daawo Tsunami Ku Dhuftay Xeebaha Indonesia iyo Boqolaal Geeriyooday

Waxaa weli socda gurmadka dadka wax ku noqday Tsunami ku dhufatay jasiirada Sulawesi, waxaana burbur xoogleh soo gaaray dhulka xeebta saaran.

Hirar waaweyn oo biyaha bada ah ayaa gudaha ugalay magaalooyinka jasiiradaasi kadib markii uu dhul gariir xoogiisa lagu qiyaasay 7.5 uu ku dhuftay gunta hoose ee badweynta, kadibna keenay in biyaha bada ay ku fatahaan xeebaha dalka Indonesia.

Ugu yaraan 400 qof ayaa la sheegayaa inay hada mareyso tirada ku geeriyootay musiibadan.

Khasaaraha ugu weyn ayaa laga soo sheegayaa magaalada Palu ee jasiirada Sulawesi. Balse khasaaraha ayaa la filayaa inuu intaasi ka bato iyadoo aan weli lahayn xog dhameystiran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker