” Waxaan Qirayaa In Somaliland tahay meel u daran qofkeeda wanaagsan, ninkeeda xuna u koolkoolisa Oo tuugta siyaasadda daryeesha…. “

Jamaal Cali Xuseen oo qoraal uu kaga hadlay xaalada Cali Sandule ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay in guud ahaan qaranka somaliland ay ceeb ku tahay daryeel la,aanta haysata Cali Sandule.

 

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya xaalada Cali Sandule ayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi “Jimce Mubaarak. Qofkastoo damiir lihi wuu ka damqanayaa muuqaalkan arkay xalay ee ahaa Cali Sandule Oo xanuunsanaya. Cali Sandule waan u duceynayaa Ilaahayna caafimaad degdeg ha siiyo; waxaan qirayaa laakiin Somaliland inay tahay meel u daran qofkeeda wanaagsan ninkeeda xuna u koolkoolisa Oo tuugta siyaasadda daryeesha, qofkeeda jecelna cidla kaga dhaqaaqda; waa ayaan daro in maanta Cali Sandule ku dhex xanuunsanayo Oo aanu gargaar haysan. Kuligeen ceeb bay inagu tahay hadaan arrinkaa shicib, baayacmushteri iyo dawladiba u kicin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker