Hoggaamiyaha Koox Budhcad Soomaali Ah Oo Ka Jirta Sweden Oo Codsaday In Loo Masaafuriyo Soomaaliya

Dowladda Denmark ayaa sannadkii hore xabsi daa’in ku xukuntay wiil Soomaali ah oo ah hoggaamiyaha koox budhcad ah oo loo yaqaano Death Squad, oo ka jirta xaafadda Soomaalidu ku badan tahay Rinkeby ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Maxamed Cali, oo lagu helay dambiyo kala duwan, ayaa hadda loo masaafurin doonaa Sweden si uu u dhammaysto xukunkiisa.

Wargeyska Nyheter Ida ee kasoo baxa dalka Sweden, ayaa qoray in ninkan oo 23 jir ah uu doorbiday in loo masaafuriyo Soomaaliya, wuxuuna codsaday inuu ka tanaasulo dhalashiisa Sweden.

Bishii Agoosto ee sannadkii hore, ayay maxkamad ku taalla Denmark ku xukuntay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay inuu laba dil u geystay rag ay iska soo horjeedeen oo ka tirsanaa kooxda kale ee gaangiska ah ee Shottaz ee ka dhisan magaalada Copenhagen, Denmark.

Sababta uu u codsaday in loo masaafuriyo Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay la xidhiidho cabsi uu dareemo in ay nolashiisa khatar ku jirto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker