Ruushka oo lacago deyn ah ka cafiyay Soomaaliya

Ruushka uu in ka badan 684 million oo doolar ka cafiyay Soomaaliya, heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.

Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka, Biixi Iimaan Cige ayaa saxiixay heshiiska uu Ruushka in ka badan $684 million kaga cafiyay Soomaaliya sida laga soo xigtay telefishanka qaranka Soomaaliya.

Heshiiskan ay door wayn ka qaadan doona dhammaystirka geediga deyn cafinta Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirkii hore ee maaliyadda dowladda Soomaaliya, Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu sheegay in Ruushku ogolaaday in Soomaaliya uu ka cafiyo deyn dhan 600 oo Milyan oo doolar.

Dhanka kale, waxaa sanadihii dambe socday dedaal ay wadday dowladda Soomaaliya oo ku aaddan sidii lacagaha deynta looga cafin lahaa dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker