Magaalo qofkiii soo sheega qof tuugsada siineysa lacag

Masuuliyiinta magaalada Hyderabad ee ku taalla Koonfurta Hindiya ayaa 500 oo rupee oo u dhiganta 7 doolar siinaya muwaadiniinta tusa qof tuugsada, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha lagu doonayo in magaalada lagaga sifeeyo dadka tuugsada wixii ka dambeeya 15 Decembar.

Taliyaha booliiska ee magaalada ayaa ku dhawaaqay labo billood oo magaalada laga mamnuucay dadka tuugsada.

Dadka arrintan dhaliishan waxay sheegayaan in arrintan ay keentay booqashada ay magaaladaas ku tagayso Ivanka Trump oo ah gabadh uu dhalay madaxweynaha Maraykanka, laakiin masuuliyiintu way diideen arrintaas.

Toddobaadkii hore ayaa la arkay booliiska magaalada oo qaqabanaya dadka tuugsanaya ee ku sugan goobaha lagu cibaadaysto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker