Tahriibayaal ku xanibnaa dalka Liibiya oo lagu soo celiyay Magaalada Muqdisho

Dawlada Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibeyaal ah, kuwaasi oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaradaan oo gaaraya 20-qof ayaa ka kooban 19-Rag ah iyo Hal Gabar, waxayna muddo ku xanibnaayeen dalka Liibiya, halkaasi oo ay ku heysteen kooxaha dadka qafaasha ee Magafeyaasha ah.

Masuuliyiinta Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, kuwa hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo guddiga dib usoo celinta tahriibayaasha ee Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ugu soo dhaweeyey dhalinyaradaan, iyadoo la geeyey xarunta hay’adda Qaxootiga Qaranka, si halkaasi howlahooda loogu dhammeeyo.

Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Ambassador Maryan Yaasiin ayaa muddooyinkan dadaal weyn ugu jirtay siddii ay dib dalkooda ugu soo noqon lahaayeen tahriibayaasha Soomaaliyeed ee jooga dibadaha, iyadoo inta ay joogtay xafiiskan soo celisay dad badan oo isugu jiray maxaabiis iyo tahriibayaal Soomaaliyeed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker