Dabley Hubaysan Oo Dad Ku Laysay Deegaanka Dhooba-guduud Ee Gobolka Buuhoodle
Buuhoodle(OWN)-Laba qof ayaa ku dhimatay Deegaanka Dhooba-Guduud oo u dhow tuulada Dandan oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, kadib markii koox dabley ah ay weerar ku qaadeen dabley hubaysan.
Dadkan Β la laayey oo ahaa xoola-dhaqato GeelΒ ku haystey halkaasi ayaa loo Β aanaynayaa in ay salka ku hayso xiisad colaadeed oo ka dhalatay nin Β gacan ku dhiigle ah oo maalintii sabtidii dabley ay isku hayb yihiin Β kala bexeen saldhiga Buuhoodle.
Xaalada magaalada Buuhoodle ayaa maanta aad u kacsanayd in kasta oo aanay weli jirin cid u dhaqaaqday kala qaboojinta xiisadan sida uu suxufi Cali Dhegjar uuΒ Β xaqiijiyeyΒ , waxaana uu intaas ku daray in laga cabsiΒ qaboΒ duulaamo aargoosi oo labada dhinaca isdhaafsadaan.
Deegaanka Β Buuhoodle ayaa inta badan colaado noocan ah ay ka dhacaan mana jiro Β maamul awood leh oo wax ka qaban kara aan ka ahay madaxda dhaqanka oo Β iskeed isu xilqaanta.
