Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Guddiga Cusub Ee Maaliyada Golaha Shacabka.
Muqdisho-(OWN)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BFS, maalin ka hor dib u habeyn lagu sameeyay.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddiyada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shir Guddoominayay Maxamuud Siraaji oo Shalay loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay kawada hadleen, ha yeeshee wasiir Beyle ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray
“Waxaan maanta kulan looga hadlayo dar-dargelinta Howlaha Maaliyadda la yeelanay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waxa uuna ku soo dhamaaday Guul iyo isfaham”
Toddobaadyadii ugu danbeeyay ayaa waxaa jiray buuq ka dhax oognaa Guddiga Maaliyadda iyo Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya arintaas oo sababtay in muddo ka badan bil aysan qabsoomin fadhiyadii Baarlamaanka Soomaaliya.