Kooxda Daacish Oo Sheegatay Qarax Ka Dhacay Dalka Libya.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ahaa oo salaasadi shalay lala beegsaday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Libyan.

Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ay ku dhinteen saddex qof, lala eegtay wax ay ugu yeereen dowladda riddada.

Libya ayaa ku jirtay xaalad fowda ah tan iyo marki xakunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer soo xakumay dalkaasi ee Moammar Gadhafi, kaasoo la dilay sannadki 2011.

Awoodda dalka ayaa waxaa ku loolamaya dowlad kumeel gaadh ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay iyo jeneraal dagaal kula jira kooxaha Islaamiga ah iyo waliba maleeshiyaad hubeysan oo isugu jira kuwa argagixiso ah iyo kuwo hoos taga hogaamiye kooxeedyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker