Warbixin ku eedaysay in Shiinuhu doonayo inuu farageliyo doorashada Maraykanka

Warbixin cusub oo ay soo saartay shirkadda Microsoft ayaa muujinaysa in Shiinuhu uu u adeegsanayo aaladaha casriga ah ee ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, inay ku marin habaabiyaan ama ku kala daadiyaan codbixiyayaasha Maraykanka, iyaga oo dabka ku sii shidaya kala qaybsanaanta codbixiyayaasha ka dhex jirta, ka hor doorashada madaxtinimada ee sannadka 2024.

Falanqeeyayaasha dhinaca khatarta ee shirkadda Microsoft ayaa boggooda ku soo qoray, in Beijing ay horumarisay farsamooyin cusub oo ku saabsan aaladaha ku shaqeeyan garaadka macmalka ah ee horumarsan, kaas oo soo saari kara “warbixino ay dadweynuhu aad u xiisayn karaan” si fududna ugu dhex faafi kara bulshada.

Sida ay sheegtay shirkadda Microsoft, Shiinaha ayaa muddo lix bilooda ku hawlanaa dedaalada uu ku horumarinayo inuu isticmaalo waxyaabaha ay soo saaraan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan, kuwaas oo haatan u muuqda inay soo saari karaan muuqaalo kala duwan.

“Waxaanu aragnay in jilayaal u dhashay dalka Shiinuhu ay ka faa’iidaysanayaan muuqaalada iyo warbixinada ay soo saaraan aaladaha ku dhisan garaadka macmalka ah ee horumarsan, kuwaas oo si ballaadhan diirada u saaraya qodobada siyaasiga ah ee bulshadu ku kala qaybsan tahay, sida rabshadaha ka dhasha hubka, iyo in hoos loo dhigo hoggaamiyayaasha siyaasiga” ayaa lagu yidhi warbixinta Microsoft.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker