Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ‘Geedi‘ oo jawaab kulul ka bixiyay hanjabaadii Sheekh Shariif.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa dareen ka muujiyay farriintii dhiilada xambaarsaneyd ee Axadii ka soo yeertay Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed oo cadho ka muujiyay tallaabadii Axaddii shalay loogu xanibay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli wafdigiisa ay ku sii jeedeen Magaalada Baledweyne ayaa ku hanjabay inay dagaal la galayan dowladda, haddii aanay  joojin sida ay ula dhaqmayso.

 

Mr. Geedi oo ka duulaya hadalka Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu niyad jebinayo dadka Soomaaliyeed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker