Madaxweynaha Turkiga Erdogan Oo Si Gaar Ah U Sharfay, Una Maamuusay Sarkaal Dumar Ah Oo Xijaaban

Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa si gaar ah u sharfay una Maamuusay sarkaal dumar ah oo xijaaban oo ka tirsan Ciidamadda Amaanka Ee Turkiga.
Madaxweyne Erdogan, ayaa Cüli Guddoonsiiyey shahaado sharaf ay kaga sareysay saaxiibbadeeda ka Qalin-jabiyay Kuliyadda Tababarka Ciidamadda ee Gendarmerie Academy.
Madaxweyaha Dalka Turkiga Rajeb Erdogan, ayaa Ka qayb galay Xaflada Qalin jebinteeda si uu Si gaar ah ugu Hambalyeeyo Gabadhan, wuxuuna Xafladda ka Yidhi Siddan “Sababta aan Halkan u imi ee aan Sida Gaarka ugu Maamuusay Saraakiisha Dumarka ee Xijaaban, Waa inay sameeyeen Geesinimo Sababtoo ah Dumarka Xijaaban aad ayay ugu Yaraayeen Ciidamadda, Waan Dhiirigelinayaa waxaana Rjaynayaa inay Dawr fiican hada kadib Ciidamada Dalka ka Qaataan.
Cüli Waxay Ku Baastay Darajo sare dedaal badan ayay Samaysay, Waan ku faraxsanahay inaan Guusheeda Goob joog u ahaado, Waxaan kaloo aad ugu Sharfayaa inay kasoo Jeedo Qoys Wadankan usoo Halgamay oo lawada garanayo .
Qoyskeeda Qaar kamid ah Waxay u Dhinteen Iyagoo Difaacaya Dalkoodda, Iyaduna Maanta inay Marto Jidkii Qoyskeeda ayay Rabtaa.
Sidii Nebigeena Muxamed NNK uu u Sharfi jiirey oo u Darajayn jirey Asxaabtii ka Qayb galay Dagaalkii Badar, ayaan Aniguna u Sharfaa Qof kasta iyo Qoyska Kasta oo Dalkan usoo Halgamay”. Ayuu Yidhi Madaxweyne Erdogan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker