Madaxda Dowladda Iyo Xubnaha Gudoonka Golaha Shacabka Oo Xalay Kulamo Kala Duwan Oo Xasaasiya Ku Yeeshay Villa Soomaaliya.
Muqsdisho-(OWN)-Madaxda ugu sareysa dowladda Federalka Somaliya iyo Gudoonka Golaha Shacabka ayaa xalay siyaabo kala duwan Villa Somaliya waxa ay ugu yeesheen kulamo looga hadlaayay go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka shalay uu ka soo saaray Guddiga Maaliyadda ee uu ku amray inay shaqadooda sii wataan.
Kulamada ayaa waxa ay dhexmareen Madaxweynaha Somaliya, Ra’iisul Wasaaraha & Xubnaha Gudoonka oo siyaabo kala duwan madaxda sare kulamo ula qaatay.
Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la sheegay kulan gaar ah inuu la qaatay Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad & Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo ay ka wada hadleen sidii arrinta taagan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay C/wali Muudey & Mahad Cabdalla Cawad inay u tagaan Ra’iisul Wasaare Khayre oo ay la wadaagaan macluumaadka saxda ah iyo meesha ay wax marayaan, kadibna ay ka tashadaan sida arrinta loo wajihi karo.
Xilli dambe ayaa la sheegay in labada Gudoomiye Ku xigeen ee Golaha Shacabka inay u tageen Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, islamarkaana ay ka tashadeen waxa ay ka yeelayaan arrinta soo korodhay ee go’aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta labada Gudoomiye Ku xigeen Saxaafadda ay la hadli doonaan, islamarkaana ay ka soo horjeesan doonaan arrinta go’aanka ah ee Gudoomiye Mursal uu gaadhay.