Aragtida Xildhibaannada Wakiillada JSL Ee Ka Soo Jeeda Sool Iyo Sanaag Ka Qabaan Shirkii Beelaha Direed Ku Qabteen Addis Ababa

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Shir beeleed Toddobaadkii hore lagu soo gebogabeeyay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

 

Shirkan oo la sheegay inay qabsadeen Beelaha DIREED oo la sheegay inay qayb ka ahaayeen Odayaal iyo Waxgarad ka socday Qoomiyadda Oromada ee degta Dalka Itoobiya, ayaa guux ka abuuray Soomaalida dhexdooda, waxaana bilaabmay in Beelaha aan soo gelin Dirkuna ay abaabulaan Shir kaa la mid ah oo ay doonayaan inay qabsadaan.

 

Madaxweynaha Kililka Soomaalida Itoobiya oo la waydiiyey wuxuu kala socdo Shirka Addis Ababa ka dhacay ee Beelaha Dir qabsadeen, ayaa sheegay in aanu shirkaasi khusaynin Maamulkiisa, balse wuxuu sheegay in Shir kale lagu qaban doono Magaalada Goday, kaasi oo Dad xog-ogaal ahi sheegeen inuu yahay Shir ay qabsanayaan Beelaha Daarood.

 

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland oo isagana Warbaahintu waydiisay waxay Somaliland kala socoto Shirka Addis Ababa ku soo dhamaaday, ayaa sheegay in Shirkaasi aanu khusaynin Somaliland iyo Dawladdeeda.

 

Haddaba Shirka Beelaha Direed ugu soo dhamaaday Addis Ababa ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada qaarkood sheegeen inuu yahay mid kala qaybinaya Bulshada reer Somaliland, sidaa darteedna loo baahan yahay in laga shaqaysiiyo Xeerarka Somaliland ee mabnuucaya in Dadka reer Somaliland ka qayb-galaan Shirarka aan Dalka dani ugu jirin, waxayna soo jeediyeen in Ajandahaha Kala-fadhiga Golaha Wakiilladu lagu soo daro qodob arrintaa ka hadlaya.

 

Xildhibaan Dhakool oo arrintan dooddiisa ka dhiibtay Shalay ayaa yidhi “Waxa jira Shirar Qabiil oo siyaasiyiin ama Salaadiin ha ahaadaan ama Waxgarad ha ahaadaane ayu dibedda ku hayaan, waxa jira Dad Garoowe taga ama Xamar taga oo shirar ku soo qabta, arrinkaa Somaliland xeerar bay ka lahayd, laakiin imika waxa jira Xeerar aad moodayso in lagu beddelay Xeerarkii Somaliland oo ah Xeerar Direed, markaa waa in laga hadlaa in Magacii Somaliland loo beddelay Dir ama inuu sidiisii yahay, waa in qodobkaa uu Goluhu ka hadlo..”

 

Xildhibaan Waabeeye ayaa isaguna soo jeediyey “Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa Dadka wada deggan iyo Somaliland dhul ahaan halka ay tahay, markaa wax kasta oo dhib ku ah, shir ha ahaado ama wax kale ha ahaadee xaq buu u leeyahay inuu Goluhu ka hadlo. Waxaan aaminsanahay Shirkaa Addis Ababa ka dhacay inuu dareen-gelinayo Dadka reer Somaliland, sidaa darteed waxaan taageersanahay Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda oo si wanaagsan shirkaa uga hadlay, yidhina shirkaa wax shuqul ah kuma laha Somaliland, waxaase layaab ah inuu ka hadlay Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya, kaasi oo uga hadlay si ka duwan sida Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda, markaa waxa loo baahan yahay in Wasaaradda Arrimaha dibeddu inay arrimaheeda isku hagaajisataa, mar kastana waa in laga digtoonaado wixii curfi keenaya..”ayuu yidhi, Xildhibaanku.

 

Xildhibaan Cali Barre oo ka mid ah Mudaneyaasha ka soo jeeda bariga Gobolka Sanaag ayaa isaguna sheegay in loo baahan yahay in laga hor-tago in reer Somaliland qabyaaladi kala-qaybiso “In Qabyaalad loo kala dhaqaaqo ayaan ka hor-tagayaa..”ayuu yidhi.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo isaguna dooddan ka qayb-galay ayaa sheegay in kala-qaybsanaantii kala dhalatay doorashadii 2017-kii ka dhacday Somaliland loo rarray Dalalka jaar ah “Waxaan taageerayaa in Qodobkii Xildhibaan Dhakool ka hadlay lagu soo daro Ajandaha Golaha Wakiillada…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qabiil afka ku dhufan maayo, laakiin Kala-qaybsanaantii ka dhalatay Doorashadii u dambaysay ayaa la rarray oo loo geeyay Dadka jaarka ah oo la doonayaa in lagu kala qaybiyo, markaa waa inaynu ka hadalnaa wecyiga dadka aynu matalno..”

Golaha Wakiilada Somaliland

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker