Sirdoonka Itoobiya Oo soo Bandhigay Xubno ka Tirsan Daacish & Al-Shabaab Oo la Qabtay.

Itoobiya ayaa shaacisay sawirada xubno gacanta ku dhigeen oo ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama Somalia kuwaasoo ay sheegtay iney qorsheynayeen weerarro ay ka geystaan qeybo ka mid ah dalkaas.

Xubnaha la qabqabtay qaarkood ayaa la sheegay iney xogo ururinayeen halka kuwo kalena ay sawirro ka qaadayeen goobo la qorsheynayey in la weeraro sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda ee FANA.

Meelaha ay beegsanayeen waxaa ka mid ah Hoteellada, goobaha cibaadada, meelaha dadka ku badan yihiin iyo meelo kale oo dhamaan ka wada tirsan magaalada Addis ababa.

Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa sheegtay in laamaha amniga ee Itoobiya iyo Jabuuti ay iska kaashanayaan sidii loo qaban lahaa Maxamed Cabdullahi oo ah hoggaamiyaha kooxda qaarkood la qabtay.

Madaxa xafiiska wasaaradda gaashaandhigga Gaashaanle Tasyaye Ayalew ayaa sheegay in xubnahan looga shakiyey iney ururrada Al-shabaab iyo daacish ka tirsan yihiin lagu qabtay magaalooyinka Jigjiga, Dirdiahab, Mooyaale Doolow, iyo Hargaysa.

Waxaa xubnaha la qabtay ku jira dad u dhashay waddamada Soomaaliya, Yemen iyo Suuriya, iyo kuwa afka amxaarada loosoo baray inay hawlaha u fududeeyaan kooxdan ayaa lagu yidhi warbixinta Sirdoonka Itoobiya.

Sidoo kale xubnahan ayaa inta aan gacanta lagu soo dhigin ACCOUNTIYO  ka furtay bangi ku yaalla dalka Itoobiya, waxaana markii dambe lagu qabtay lacag ka badan 2.5 milyan oo birr.

Kooxda Daacish oo saldhig ka sameysatay buuraha Galgala ee gobolka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay bishii hore inuu u wareegayo dalka Itoobiya halkaasoo bay yiraahdeen ay ka jirto deganaansho la’aan ka dhalatay qowmiyadaha isdiiddan ee dalkaas ku wada nool.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker