MW. MUSTAF CAGJAR OO KA GABYEY XAALADDA DDS KA TAAGAN.

Inkastaan gabyaa laygu xaman ama abwaan guuna
Oo aanam giraamaha tixaha gole ka haasaawin
Xil i gubaya yaa jira haddoo gedefta ii saaran
Gocosha igu raagtaa jirtoon gacan togaalayne
Giriif iyo coloolxumo jirtaan gaar u naqayaaye
Geeraar waxaan tirinayaa gelaya suugaanta
Goalkiisu wuxuu daarran yahay gees u wada duula
Bal guntada waxaan hibanayaa mid igu gaadhnayde
Gudgudaha sidiisaan hillaac gudub u maanshayne
Idinkuna giraan meersadoo golaha feeraarsha
Guntigana xidhoo waa murtiye geliya laabtiinna

Dadkaygii la kala gurahayoow garasho dheer yeesha
Dad kaydii la guul guulayoow garasho dheer yeesha
Dadkaygii la kala gaasiroow garasho dheer yeesha
Dadkaygii la gobolaynayoow garasho dheer yeesha
Gafanuhu dadkuu jaqagayoow garasho dheer yeesha
Gaashaanka kuwii laga dhigtoow garasho dheer yeesha
Gurboodkooda kuwii laynayoow garasho dheer yeesha
Kuwii godadka dheer qodahayoow garasho dheer yeesha
Gabdhaheenna kuwii duudsiyoow garasho dheer yeesha
Kuwii gacalka kala geynayoow garasho dheer yeesha
Garaadada kuwii xidhi jiroow garasho dheer yeesha
Ugaasyada kuwii goomayoow garasho dheer yeesha
Kuwii ummada kala gaabiyoow garasho dheer yeesha
Garabkooda kuwii wiiqayoow garasho dheer yeesha
Dhulkeennii raggii qaar gatoow garasho dheer yeesha
Kuwii Canfartu ay gogatayoow garasho dheer yeesha
Kuwii godobta noo beerayoow garasho dheer yeesha
Gumeystuhu kuwuu tababaroow garasho dheer yeesha
Kuwii gibisha tuurta u ritoow garasho dheer yeesha
Gunnimada kuwii qaayiboow garasho dheer yeesha
Getachew kuwoo raranayoow garasho dheer yeesha
Waxa loo gol leeyahay gartoo garasho dheer yeesha

Bal aan galo hal kale oo murtiya oon goboda faaleeyo
Geeddiga halkaan maaganagay aan gunta u boodo
Aan gorfeeyo hadafkeenna oo aan yarehe gaadgaado

Gabre iyo hadday talin jireen niman gawaadiine
Gugaa maanta da’ay baa dhiqiye geliya maankiina

Dhagixii la soo giringirshee kililka soo gaadhay
Inuu Addis gilgilo yaa dhiciye geliya maankiina

Gumucay amxaaradu dhankaa goday usoo tuurtay
Inuu gadaal u naafayn iyaga geliya maankiinna

Waxa aan kusoo goynayaa ama ku gaafmeeri
Inkastoo guhaad aan qabnoo layna kala gooyey
Gunta asalka Soomaalinimo gobodu weeyaane
Gafuura xun inaynaan u biqin midhkaa geliya maankiina.
By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker