Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) Oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Xaajiga ayaa caan ka ah dhulka Soomaalida, isaga oo lagu yaqaannay ka shaqaynta nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Wuxuu hadda ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland wuxuuna ahaa qofkii ugu da’waynaa, Wuxuu horay ula soo shaqeeyay dhammaan dawladihii isaga dambeeyay Soomaaliya ka hor burburkii.
Cabdi Waraabe ayaa lagu xasuustaa in uusan waligii dawlad mucaaradin.