Dawladda Puntland Oo Dil Ku Xukuntay Dhalinyaro Lagu Eedeeyey Kufsi-Wadareed

Maxkamadda gobolka Nugaal Ee Puntland ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo kufsi wadareed 22 bishii la soo dhaafay ee February gabar ugu gesytay magaalada Gaalkacyo .

Ku xigeenka xeer ilaalaiyad guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in eedeysanayaasha dilka toogashada lagu xakumay loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeerka kusiga iyo xeerka habka cinqaabta Soomaaliyeed.

 

Dhalinyarada kufsiga ku eedeysan oo la sheegay in ay qirteen ayaa afar kamid ah laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka kalana laga soo qabtay Gaalkacyo, waxaana la go’aamiyay in kiiskooda lagu galo Garowe.

 

Sidoo kale Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ee Puntland  ayaa fartay Taliyaha xabsiga dhexe ee Garowe in eedeysanyaashan xabsiga ku hayo inta xukunkooda oo faahfaahsan soo baxayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker