Gaadhigii Isuduwaha Wasaaradda Macdanta G/Sanaag Oo gudaha Ceerigaabo Lagala baxsaday

Ceerigaabo(OWN) Waxa fiidnimadii caawa gudaha magaalada Ceerigaabo lagala fakaday gaadhi nooca Landcuiser-ka looyaqaanno uu uu watey Isuduwaha W/Macdanta iyo Tamarta Gobolka Sanaag Cismaan Cumar Faarax. Xilligaas oo sida lasheegayna baabuurkani yaalley guriga isuduwahani ka deggan yahay magaalada Ceerigaabo isuduwuhuna aanu ka durugsanayn goobtaas, halka wararka qaarkood sheegayaanba in isuduwaha oo wata xoog lagaga dejiyey gaadhigiisa oo sidaas lagu kaxaystay.

 

Lama oga xaqiiqada dhabta ah ee cidda baabuurkan la baxsatay  haseyeeshee warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in baabuurkan ay labaxsadeen dabley hubaysan oo katirsan jabhad muddooyinkii ugu danbeeyeyba degganayd degaanno buuraleyda galbeedka sanaag kamid ah.

 

Dhinaca kalena waxa jira dedaallo isugu jira xag waayeello degaanka kasoo jeeda iyo xag ciidammo tiro badan oo ku daba jira raacdada iyo sidii gacanta loogusoo dhigi lahaa gaadhigaas iyo dableyda kaxaysatayba.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker