Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Oo Ka Hadlay Safarka Madaxwayne Bixii Ee Maraykanka.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadda-jir Ee Dalka Somaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ayaa Ka Hadlay Safarka Madaxwayne Bixii Uu Ku Joogo Dalka Maraykanka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Isagoo Ka Hadlaya Arintan, Wuxuu Yidhi Siddan “Maraykanku waxay sheegeen in ay dan qaran oo wayn ka leeyihiin Somaliland. Waxay soo saareen xeer ay ku doonayaan in ay heshiis wadashaqayn amni la yeeshaan maamulka Somaliland, iyaga oo aan aqoonsan. Danta ayey ku soo koobeen seddax qodob oo kala ah
1- Ilaalinta danta Maraykanka iyo xulafadiisa ee marin badeedka Bab-el-Mandeb, iyo dekeda Berbera.
2- In ay noqoto Ilinka badeedka uu ka gelayo Bariga Afrika.
3- In laga hortago joogntaanka Iiraan ee Gacanka Cadan iyo Awoodda Shiinaha ee gobolka ku xoogaysanaysa. Lagana
4- Laga xaqiijiyo ujeedkii ahaa la dagaalanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish
Ka sokow nabadda, iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, waxaa looga marag kacay dimoqoraadiyad, iyo in ay doorasho nabad ah talada dalka kula kala wareegeen
Halka ay ku tilmaameen in Soomaaliya inteeda kale ay ka socoto doorasho lagu takrifalayo, nabad-gelyo aan la isku hallayn karin iyo xasillooni darri.
Loollanka quwadaha shisheeye ee la xariira danaha juqraafi siyaasadeed (Geopolitical Intrest) waa kuwo xasaasi ah oo u baahan ka fiirsasho iyo go’aano dhinacyo badan laga eegay, dheelitirana laga qaato.
Waxaana taas lagu gaari karaa yagleelida hay’ado ilaalin kara amniga qaran iyo hoggaan fiiri dheeri iyo fogaan aragba leh oo aan gebi dhaclayn.
Somaliand wax badan waxay kaga xiran yihiin sida ay ugu lib keenaan doorashooyinka soo socda, Soomaaliyana hoggaanka ka yimaada doorashada dhowaan dhici doonta, iyo sida ay labadaasi iskula jaanqaadaan waxay wax badan teri doontaa Soomaalida oo idil”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker