Dawlada Somalia oo diiday inay Midowga Afrika kala hadasho kiiska Badda

Addis Ababa (OWN) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday ka qeyb galka kulan is xog wareysi ah oo ku aadanaa kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Midowga Afrika.

Casuumuud toos ah oo  Soomaaliya uga timid Ururka ayaa waxaa ku gacan Saydhay xukuumadda federaaka ah ee Soamlia, sida ay ogaatay Oodwaynemedia.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ku taariikheysnaa 21-kii bishan ku sheegtay in aysan ka qeyb geli karin shirkaasi, islamarkaana dawacdda labada wadan ay ka furan tahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in haatan wax gor gortan aysan ka geli doonin kiiskan, islamarkaana ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu guul dareysatay tallaabooyin ka dhan Soomaaliya oo ay qaaday, si ay cadaadis ugu saarto inay ka laabato kiiskaasi.

ICJ ayaa la filayaa in ay dib u furto dhageysiga dacwadda labada dal dhammaadka sanadkan 2019-ka.

Fadhiga maxkamadda ayaana ka qabsoomi doono guriga nabadda ee Netherlands 9-illaa 13ka bisha soo socota ee September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker