Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Somaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, ka dib Doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

Shiikh Shariif ayaa ku guulleystay Kursiga Hop-146, ka dib markii uu tanaasulay musharixii kale ee Shariif Abuukar Axmed, sida ay sheegeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle.

Shiikh Shariif oo hadal kooban ka jeediyay Goobta Doorashada ayaa u mahad celiyay Ergada Dooratay, isaga oo ballan qaaday in uu si caddaalad ah ugu shaqeyn doono.

Shariif waa musharax u taagan Xilka Madaxweynaha, waxaana kursigaan Hop-146 ee ku soo baxay hore ugu fadhiyay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker