Raiisul wasaaraha Ethiopia oo Amarku Bixiyay in Tallaabo milatari laga Qaado Gobolka Tigraay

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyay militariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigreeda oo ku eedeeyay inay dagaal bilaabeen.

 

 

Rai’sul wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig militari oo ku yaalla gobolka.

 

 

TPLF ayaa horey waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyriska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ekaa bisha October.

 

 

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku eedeeysay gooni u goosadka TPLF inay ka dambeeyeen qulqulutooyinka ka dhacay meelo dalka ka mid ah.

 

 

Sida ay sheegtay shirkadda la socodka xorriyadda internet-ka ee Netblocks- waxaa gobolka Tigreeda ka go’an maanta internetka iyo khadka talefoonada.

 

 

Bayaanka uu soo saaray rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku yiri “in khadka cas laga tallaabay” islamarkana si dadka iyo dalak loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado,” TPLF.

 

 

Horraantii toddobaadkan gudoomiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay maamulka rai’sul wasaare Abiy in ay kala shaqeynayaan dowladda dalka Eritrea si loo diyaariyo weerar gobolka lagu soo qaado.

 

 

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka itobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ak dib Abiy uu xukunka kala wareegay 2018.


TPLF ayaa waxay ka baxeen xisbiga talada hay aka dib markii ay diideen inay ku biiraan xisbiga Barwaaqo.

Balse TPLF ayaa waxay wali ka taliyaan gobolka Tigreeda.

 

 

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli muddo bilooyiin ah ay sii kordhaysay xiisadda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Tigreega.

 

 

Waxay sidoo kale arrintani ay ku soo beegmaysaa xilli maalintii shalay ahayd 32 qof oo amxaaro ah lagu dilay gobolka Oromiya.

 

 

Hadda halkee xaaladahan ka soo cusboonaaday itoobiya ay ku dambeyn karaan, Xirsi Cabdiqaadir Maxamed oo ka faalooda arrimaha dalka Itoobiya.ka Oromiya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker