Shiicadu: Malakul-Jibriil waxa uu khiyaameeyay ILAHAY SWC!

Malag Jibriil wuxuu ka mid yahay Malaa’ikta uu Sharafta Illaahay SWC ku mannaystay, wuxuuna ILAHAY ku aaminay (Isaga oo og abuurkiisana leh ) amarkii soo dejinta Waxyiga si uu u gaadhsiiyo  Sayidkeenii Muxamed (CSW) .
Laakiin waxaa jira in Shiicadu ay ku an-dacoonayaan in Waxyigaasi iyo Rasuulnimadaba uu Jibriil kala leexday Cali-Binu-abidaalib oo xaq u lahaa,una geeyey Nabiga SCW oo sidaya sheegeen aan loogu tala galin, iyada oo aynu wada garanayno Cali wakhtigaasi uu Diinta raacay in uu ahaa Wiil-yar.
Waxa ay yidhaahdeen Shiicadu “”Jibriil wuxuu khiyaamay farriinta Eebihiis, oo halkii uu gaadhsiin lahaa Cali RDC oo Waxyiga loogu talagalay ,waxa uu u gudbiyey Rasuulkii Eebbe SCW;tan oo kale maaha wax ku cusub Shiicada waxaabay mararka qaar Cali ka dhigaan sidii Ilahay uu kale.
Qur’aanka Ilahay waxa uu ku yidhi, isaga oo la hadlaaya kuwa la colooba Malak-Jibriil iyo dhamaan Malaa-igtiisa in ay kuwaasi yihiin cadawga Ilahay iyo waliba Gaalo.
قُلْ مَنْ كَانَ عَدُوًّا لِجِبْرِيلَ فَإِنَّهُ نَزَّلَهُ عَلَىٰ قَلْبِكَ بِإِذْنِ اللهِ مُصَدِّقًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهِ وَهُدًى وَبُشْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ* مَنْ كَانَ عَدُوًّا لله وَمَلَائِكَتِهِ وَرُسُلِهِ وَجِبْرِيلَ وَمِيكَالَ فَإِنَّ اللهَ عَدُوٌّ لِلْكَافِرِينَ}
In badan waxa aad aragteen iyada oo Ilahay Qur’aanka Gaalnimo cad ku tilmaamaaya kuwa Jibriil iyo dhamaan Malaa’iktiisa kale la colooba hal-abuur-nimada qaar dadka sameeya ,waa kuwo loogu talagalay  Cadaabta, inta badana Shiicadu waxay abuuraan shuqullo aan caqli-galnimo ahayn, nasiibdarro, ma jiro qof u qalma in uu Islaam sheegto sidana u hadlaaya.
Gaalnimo badan oo maanta Dunida ku nool ayaa sidan iyo si ka xun dhanka Caqiidada uga leexday,ilaa qaar ay Ilahay aflagaado u gaysteen ,markay yidhaahdeen,Ilahay waxa uu dhalay caruur iyaga oo markaasi sheegaaya Nabi Ciise CSW.
Arintani waa mid keenaysa Gaalnimo caddaana,waxa ay ku tusinaysaa in ILAHAY oo awoodiisa aynu ka aragno abuurkeena SWT ,Ilahay waa uu ka nasahan yahay sidii wax laga soo qaadaayo mid la khiyaamayn karo,waxna aanu war ka haynin,markay sidaasi tahayna layskuma hayo in ay tahay Gaalnimo caddaan ah.
Waxa aynu ka warhaynaa in Yuhuudu sidaasoo kale ay ceebayn jireen Malaa’igta Ilahay gaar ahaan Jibriil;Iyada oo aynu og nahay in dhamaan Malaa’igtu aanay wax doorasho ah ama awooda aanay ku lahayn hawlaha Ilahay u xilka saarto isaga oo Garashadiisa iyo xeeldheridiisa kaga warhaya.
Hadaynu nahay dadka Ehelu-sunaha ah waxa aynu rumaysanahay in uu Cali ahaa Afartii Khulafa-raashidiin kii ugu danbeeyey,isla markaana Nabiga CSW la Inadeer ahaa,wanaag iyo sharafna ku dhex lahaa Islaamka.
KOR U KACA SHIICADA:
Waxa kale oo jira in Shiicadu wakhtigan aynu ku jirno ay wax badan dib uga soo kabanayso  khilaafkii inta badan u dhaxeeyey iyada iyo Suniyiinta; sidaa daradeedna ay dhici karto hadii aan si buuxda looga hortagin, ay horseedi karaan xasillooni darro ka dhalata dhulka Suniga, gaar ahaan Somalida oo ay iminka kuysoo badanayaan Rag Af-miishaaro ah oo Sheecada Raafiitada ama 12 Imaamlayda rumaysan.
Madamaa wakhtigan xaadirka ah ay ku fidayaan dhul badan oo Aduunka  Islaamka, waxay awood u yeelanayaan in ay kiciyaan khilaafyo iyo murano dhanka Diinta ah .
Shicadu inta badan waxa ay u kala baxaan Afar koxood oo waawayn,inkastoo iminka ay Jiraan kooxo aan si fiican magacyadooda loo maqal,Afartaasi kooxoo ayaa waxa ay kala yihiin : Shiicada Carabta Zayidiin  ,Calawiyiin, Duruus iyo Ismaaciiliyiin .
Somalida maanta waxa aad ugu soo badanaaya Fikirkaasi qaloocan ee Shiiciga ah,gaar ahaan laba qolo oo kuwa ugu khatarsan ah sida Calawiyiinta iyo Duruusta.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
France Paris.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker