Dareenada Ku Xeeran Kulanka Laascaanood Ee Waftiga Uu Hogaaminaayey Boqorka Guud Ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Xubno Culus Oo Xukuumada Somaliland Kamida

Hargeysa (OWN) Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool  waxaa  soo gaadhey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo fulinaya heshiiska u dhaxeeya Somaliland iyo Beesha Cismaan Maxamuud,sooyaalka heshiiska beeshaan iyo Xukuumadda Somaliland ayaa soo bilaamay 2002-dii ka dib markey Somaliland saldhig siisay jahmadii uu hogaaminayay Jeneral Cadde Muuse Boqor.

Jamhadaas ayaa xilligaas sida la xasuusto saldhiga ugu wayn madaxda Somaliland waxay ka siisay degmadda Ceel Afweyn ee Gobolka Sool,waxaana dhexmaray heshiis laga xusi karo labo qodob oo rukni u ahaa heshiiskaas.

  1. In Somaliland ku taageerto tartanka doorashada Madaxtinimada Puntland Alle ha u naxariistee Jeneral Cadde Muuse Boqor .
  2. In haddii uu ku guulaysto xilkaas Madaxweynaha uu Somaliland u gacan galiyo Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo xarun u ah Gobolkaas.

08 January 2005-tii waxaa xilka Madaxweynaha Puntland ku guulaystey Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde) wuxuuna si mug iyo miisaan leh ugu hawlgalay heshiiskii uu la gaadhey Somaliland,wuxuuna si dhaw u bilaamay hirgalinta hindisahaas islamarkaana sababtey 15 October 2007-dii uu maamulka Somaliland si fudud ku hantiyo magaalada Laascaanood oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu waaweyn oo uu ka talinayay maamulka Puntland.

Intaas ka dib waxaa sii xoogeystay is aaminaada iyo kalsoonida u dhaxaysa maamulka Somaliland iyo Saldanada Boqortooyadda fadhigeedu yahay magaalada Qardho.

Qabashada magaalada Laascaanood waxay uga dhignayd maamulkeena Somaliland talaabo weyn oo horey loo qaadey kana mid ahayd ahdaaftii loo asaasay Somaliland madaama loo sii dhawaadey xadka aynu la leenahay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Boqor wuxuu intaas ka dib u xilsaarey adkeynta iyo sii amba qaadida heshiiskaas Boqor Burhaan Boqor Muuse kaasoo iminka u wada heshiiskii waagaas si maamuus iyo milga-ba leh islamarkaana mudan tahay in Shacabkeena Somaliland  xusuusnaadaan ayna abaal ugu hayaan.

Arrimaha cadeynaya hirgalinta heshiiskan waxaa ka mid ah qabsashadii deegaanka Tukaraq ee ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxay aloostey xiisad dagaal iyo guux dadweyne oo ay qeyb weyn ka ahaayeen madax dhaqmeed-yadda kale ee kasoo jeeda Puntland oo isu taagey inay ku cadaadiyaan maamulka iminka ka jira Puntland iyo shacabkooda sidii Somaliland looga saari lahaa guud ahaan Gobolka Sool,waxaa taas bedelkeeda si toosa iyo si dadban uga horyimid Boqor Burhaan Boqor Muuse.

 

Bartamihii sanadkaan 2018 degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka Bari waxaa lagu qabtey caleemo saar kulmiyay badi Issimadda iyo madax dhaqmeedka bulshada af-soomaaliga ku hadasha,waxaana halkaas laga soo jeediyay hadalo kicin ah oo ay soo jeediyeen dhaqmeed maamulka Puntland ka tirsan iyo Issimo u dhashay Gobolka Sool oo kasoo horjeeda dowladnimada Somaliland kuwaas oo dhamaantood ugu baaqayay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas inuu qaado duulaan ku wajahan Somaliland,waxaa aad uga carooday oo ka horyimid hadalka goobtaas laga soo jeediyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo yidhi “ Cabdiweliyoow waxaan kusoo jeedinayaa haraati ha nooga tegin,waqti yar ayaa ku hadhaye,    dagaal-na looma baahna”.

Hadalka Boqorka ayaa micnihiisu ahaa inaan weerar lagu soo qaadin Gobolka Sool, wuxuuna ka abuurey isla goobtaas sawaxan iyo buuq soo wajahay madashaas.

Ugu dambeyn hawlaha ugu muhiimsan oo uu maalin ka hor u yimid magaalada Laascaanood Boqor Burhaan Boqor Muuse waxay la xidhiidhaa sidii uu heshiis miro dhal ah u dhex dhigi lahaa  saraakiil ka goostey ciimada qaranka Somaliland oo uu hogaaminayo Jeneral Caare iyo Xukuumada Somaliland,waxaana si weyn Boqor Burhaan Laascaanood ugu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Kaahin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker