Shirkad ay maamulaan militariga Itoobiya oo lagu eedeeyay inay hubka sharci darrada u gudbin jirtay Soomaaliya.
Barnaamijka ayaa ku eedeeyay saraakiisha maamuleysay shirkadda inay hubka u safrin jireen dalka Soomaaliya.
Suleymaan Dedefo oo ah safiirkii hore ee Itoobiya u fadhin jiray Jabuuti ayaa barnaamij ka baxay ETV u sheegay in sannadkii 2016-kii shirkadda Metec lagu tuhmay inay soo iibsatay labo maraakiib ah oo markii dambe ay u isticmaalayeen saraakiisha shirkadda inay hubka iyo aalabaha kale ee sharci darrada ah u dhoofiyaan dalalka Iiraan iyo Soomaaliya.
Wuxuu sheegay safiirka inuu warqad u qoray wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya si ay ula socdaan eedeymaha loo soo jeediyay shirkadda balse dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintaasi.
Isniintii, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye wuxuu shaaca ka qaaday in musuq maasuq baahsan lagu helay shirkadda kaddib markii shan bilood ah oo baaritaanno ah.
Waxaa la xiray 27 saraakiil oo shirkadda maamuleysay.
Itoobiya waxaa ka socdaa howlgallo ka dhan musuq maasuqa, waxayna ka qayb yihiin isbadallada taariikhiiga ah uu garwadeenka ka yahay raโiisul wasaare Abiy Axmed.
