Booliska Norway Oo Sheegeeen Inay La Wareegeen Hantida Ninkii Weeraray Masjidka al-Noor
Booliska deegaanka Asker iyo Bærum ee duleedka caasimadda Oslo ayaa la wareegay hantida maguurtada ah ee Ninkii weerarka u geystay masjidka al-Noor Philip Manshaus, kuwaas oo ka kooban guri iyo garaash.
Hantidan oo uu leeyahay boqolkiiba sagaashan ayuu ku leeyahay magaalada Oslo, waxaana qiimeheeda lagu qiyaasay 5.9 milyan oo kroner.
Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabadani qaadayaan si ay u xaqiijiyaan bixinta magdhow lasiiyo dadka uu waxyeellada ugu geystay weerarkiisa.
Tallaabadan cusub ee uu boolisku kula wareegay hantidiisa ayuu kasoo horjeestay Philip Manshaus oo 22 jir ah, waxaana uu sheegay in uu la tiigsan doono sharciga.
Ninkan oo ku hubeysnaa qori darandoori u dhaca ayaa masjidka deegaanka Bærum ee duleedka Oslo ku furay rasaas, balse waxaa hakiyay oo qoriga kula dhagay labo waayeello ah oo ka mid ah jameecada masaajidka.
Baaris boolisku ku sameeyeen gurigiisa ayaa waxa ay ka heleen meydka gabar ay “walaalo” ahaayeen oo ay waalidkiis soo korsadeen taas oo kasoo jeeday asal ahaan dalka Shiinaha. Gabadhan ayaa la sheegay in uu dilay ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhanka masjidka.
Ujeedka weerarkan ayaa looga shakisan yahay fal cunsurinimo oo neceyb ajaaniibta ah, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah odayaashii qabtay.
WARQADDA BOOLISKA KASOO BAXDAY: