Dawladda Soomaaliya Uo U Digay Xafiiska Qaramada Midoobey + Maxay Tahay Sababtu Akhriso.
Muqdisho-(OWN)-Madaxtooyada Soomaaaliya ayaa markii ugu horeysay uga digtay xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya in uu soo fara-galiyo siyaasada arrimaha gudaha.
La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa si lama filaan bartiisa Twitter-ka ugu soo qorey digniin culus oo ku socoto xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.
Qoraalka Cabdi Saciid ku soo qoray bartiisa Twitterka ayaa jawaab u ahaa war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Niccholas Haysom oo looga hadlay arrimaha doorashooyada Madaxweynaha Koofur Galbeed.
Qoraalka la taliyaha ayaa u dhigg-naa sida “Ha soo faragelinina arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dabeecadan ma soo dhoweyneyno”ayuu yidhi Cabdi Saciid.
Xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa ku baaqay in doorashada guud ahaan maamul gobolleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed ay u dhacdo si daah furan oo xalaal ah.
Dowladda Federaalka ayaa horay loogu eedeeyay inay faragelin ku heyso doorashada Koofur Galbeed, iyadoo la sheegay inay taageereyso Musharaxiin.
