War Deg-Deg Ah: Shariif Xassan Sheekh Aadan Oo Hadda Iska Casilay Xilkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Baydhabo-(OWN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in goor dhawayd Shariif Xassan Sheekh Aadan uu halkaa kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Shariif Xassan ayaa sheegay in uu ka tanaasulay musharaxnimadii madaxweyne ee maamulka, taasoo meesha ka saareysa jahwareerkii maalmihii ugu danbeeyayba ka taagnaa hannaanka habsami u socodka qabanqaabada doorashada.

Shirka Jaraa’id ee Shariif Xassan waxaa joogay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa taagnaa khilaaf ka dhashay hannaanka doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaddib markii ay is casileen inta badan guddiggii doorashada oo dowladda federaalka ku eedeeyay in ay fara-galin ku heyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker