Duqa Muqdisho Oo Madaxda Amisom U Sheegay In Sharciga La Horkeeno Askartii Afarta Ruux Ku Dishay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho-(OWN)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa Saraakiisha Amisom wuxuu kala hadlay dhacdadii shalay subax ciidamada Amisom ay ku laayeen dadka rayidka ah.

Ciidan ka tirsan kuwa Burundi oo maraayay nawaaxiga Isgoyska Ex-Control Balcad ayaa halkaasi waxaa lagula eegtay qarax, waxayna ciidanka dileen Afar ruux oo toogasho ay ku dileen kadib qaraxaasi lala eegtay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Taliyaha Amisom ay u sheegeen baadhis deg deg ah in lagu sameeyo arrintaasi, maadaama ciidamada Amisom dad rayid ah ay laayeen.

“Taliyaha Amisom ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo Amisom ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. Waxaana ka dalbaday inuu baadhis dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in Amisom ay qoysaskii dhibaatadu soo gaadhay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday.” Ayuu yidhi Gudoomiye Yariisow

Ehelada Marxuumiinta la toogtay oo shalay Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa ay sheegeen inay la dagaalami doonaan ciidamada Amisom, haddii dhibka dhacay si deg deg ah aysan Amisom uga jawaabin.

Qof ka mid ah qaabka toogashada u dhacday ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Burundi dadkaan ay soo qabteen, kadib qaraxa markii lala eegtay kadibna ay si toos ah u toogteen oo xabado badan ay la dhaceen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker