War-murtiyeed: Xildhibaanadii Mooshinka Keenay Oo Digniin U Diray Xukuumadda Farmaajo
Xildhibaannada la baxay kutladda Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah, ayna ku jiraan xildhibaanno matalaya Nabadda, Himilo, Ilays, UPD iyo kuwa kale, ahaana kuwii mooshinka ka keenay madaxweyne Farmaajo ayaa war murtiyeed maanta soo saaray, iyaga oo sheegay inay ka tanaasuleen Mooshinkii ay 9-kii bishan ka gudbiyeen Madaxweynaha.