Luul Cabdicasiis oo lagu aasay Muqdisho

Kadib in ka badan bil oo meydkeedu uu qaboojiye ku jiray, Luul Cabdicasiis ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Maydka Luul Cabdicasiis ayaa goordhow laga soo saaray qaboojiyaha isbitaalka Racep Tayyib Erdogan (Digfeer) oo ay tiilley tan iyo markii ay u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaarey dab lagu eedeeyay inuu qabadsiiyay ninkeeda, xilli ay ku sugneyd gurigeeda oo ku yaal Muqdisho.

Qoyska marxuumadda ayaa hore ugu adkeystay in aan gabdhooda la duugeyn inta ay caddaalad ka heleyso, wuxuuna aaskeedu ku soo beegmayaa maalin un ka dib markii maxkamadda Gobolka Banaadir ay dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ahaa ninka dhimashadeeda loo haystay oo ay maxkamada danbiga ku heshay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker