Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.

Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh wuxuu iibsaday gaadhigii badhasaabkii uga horeeyay Xilka (Plate Number:- GT1347)

Mudane Madaxweyne bulshada ku dhaqan gobolka Daadmadheedh waxay is waydiinayaan sababta aad ugu soo magacaabi wayday Maamul Gobol maadama aad 12 kii gobol ee kale u soo dhistay maamulo cusub oo la jaanqaada is badal ka siyaasadeed ee ka hirgalay qaranka.

Waxaan shaki ku jirin in Badhasaabka wakhti xaadirkan gobolkan ku magacaabani yahay asal ma doorshe aan waxba ku soo kordhin gobolka mudadii uu joogay, waana Badhasaab aad moodo in laga soo ka xeeyay goobaha cilaaj yada ee dadka lagu dabiibo, dhanka aqoonta maamulka iyo hogaaminta wuu ka mandhan yahay , taasina waxay sababtay in uu Isuduwayaashii Wasaaradaha ee uu ku ahaa Badhasaabka uu maalin ba mid xidho isagoo ka doonaya laaluush ama dad shacab ahiba ku soo diraan.

Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh wax yeelo mooye waxtar kuma soo kordhin gobolka loo soo magacaabay waxaanu kala go’doomiyay bulshadii ku dhaqnayd gobolka iyo xukuumadii dhexe waxaanay taasi sababtay in bulshadu niyad jab ka qaaday la shaqaynta xukuumada cusub maadama uu badhasaabkii hogaamin lahaa la ambaday xilkii uu hayay.

Badhasaabkani wuxuu iibiyay oo suuqa Hargeysa ku dhex iibiyay gaadhigii uu wadan jiray badhasaabkii uga horeeyay xilka ka dib markii badhasaabkii hore xukuumadii madaxweyne siilaanyo u iibisay gaadhi cusub isla mudo gaabana xilka badhasaabnimo loo soo magacaabay badhasaab ka hada Axmed Diiriye oo bulshada Gobolka Daadmadheedh ku dhaqana u bixiyeen BADHASAAB QARANDI, gaadhigaas oo plate numberkiisu ahaa GT1437, ayuu badhasaabkan ma xishoodaha ahi intuu ka soo furtay plate numberkii gaadhigaas ku dhejistay ka uu hada wato halka ay ahayd in plate Number cusub lagu xidho gaadhiga cusub.

Haddaba waxa waajib ah in Wasaarada Gaadiidku gaadhigaas ka daba tagto si aanu ka dambana maalmaha xilku ka dhamaado aanu u sii iibsan ileen waa halkii Cigaal Shidaad ka yiri waxaan ka yaabaya in wadi Halaq maray noqote.

ALLAA MAHADLE

Faarax Macalin Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker