Wasiir Axmed M.Seed iyo Faarax Geedoole Waxa ay ka mid yihiin madaxda Nacabka ah ee tabashada reer Awdal tamar galiyey !! Sababta iyo Siday ku noqdeen bogo? Dr.Khadar-Libaaxley.
Wasiir Axmed M.Seed iyo Faarax Geedoole Waxa ay ka mid yihiin madaxda Nacabka ah ee tabashada reer Awdal tamar galiyey !! Sababta iyo Siday ku noqdeen bogo? Dr.Khadar-Libaaxley.
Sida uu tibaaxayo ninka ingiriis I.M.LEWIS ee ku takhasusay cilmiga hidaraaca aadamaha iyo taariikhda buugiisa la yidhaah ( A Modern History of Somalia : Nation and State in the Horn of Africa ). Taariikh ahaan 1924 ayuu ingiriiskii ilaalada Somaliland u ahaa rasmiya u aqoonsadey dhul ku haboon ciid iyo cimilo ahaan ba nidaamka wax-soosaarka beeraha ,beeraleyda iyo xoolo dhaqato beeraleyda gaar ahaan degmooyinka Borama iyo Gabiley , degmooyinka Baki iyo xeego xiligaa waxay ka mid ahaayeen degmada Borama; Nidaamkan uu u aqoonsadey muu aheyn nidaam uu isagu hindisihiisa iyo hirgalintiisa toona la haa waxa horey u taabo iyo tamar galiyey ( Boqortooyadii Adal/ adari ee xarumaheedu ahaayeen Saylac iyo Herer wakhtiyadii isxigay ).
Wasiir Axmed M. Seed iyo Faarax Geedoole 2dan masuul oo xil ahaan wasaarada Beeraha xilliyo is-xigay u kala dambeeyey deegaan ahaana waxa ay u dhasheen degmada xeego , waxa ay ku sifoobeen dhaqan ah mid ka mid ah 4 tii aan sahanka loo dirsan jirin ( Sahan Gandood ) oo ah looma aayaan wax matare u ah dadkiisa iyo deegaankiisa ba; iyagu magac mooyee macno iyo miciin midna uma laha dadka reer xeego iyo guud ahaan Awdal oo ay iyaga iyo ciyaalkooduba ka soo jeedaan, xataa kab sii jeeda umay soo jeedin taas waxa daliil u ah:
- Horey Faarax geedoole markii uu wasiirka beeraha ah fursadaha gacantiisa soo maray waxa ka mid ahaa ( Mashruucii Bariis beerista oo 4 million dollar ahaa ( abu-riin ) mashruucii timir beerista oo la beerayey 3000 oo geed timireed ah ( Bulo-xaar ) iyo mashruucii doox xidhista, yareynta khatarta ka iman karta oo 1 million dallor ( abu-riin ) ,4 sanno kadib wasiir geedoole waxa loo badaley wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, waxa uu (Burco ka dhisay , qalabeeyey dugsigii jarmalka ee farsamada gacanta ) , ( Ceerigaabo waxa uu ka dhisay dugsigii sare ee Dayaxa ) ,( Hargaisa woqooyigeeda waxa uu ka dhisay Xarun weyn oo loogu tallo galey tababarka macalimiinta Gobolada Si looga maarmo jaamaca Camuud oo horey u fulin jirtay tababarkan dakhlina ay ka heli jirtay Jaamacada iyo Magaalada Borame intuba ) Asteynta iyo fulida mashaariicdani waxa ay ku sumad iyo taariikhaysanyihiin Gobolada M/Jeex, Saaxil, Tog-dheer iyo Ceerigaabo; hawl fulida mashaariicdan iyo in aaney fulin waa arin kale oo faaqidaadiisa u baahan balse murtidu waxa ay tahay siyaasada iyo asteynta ay ku dhisantahay xulida goobaha mashaariicdan laga hirgalinaayo.
mudane akhriste bal u fiirso goobaha uu xagliye prof. geedoole mashaariicdan dhamaantood u asteeyey !! degmadii xeego ama degmooyinkii kale ee Gobolka Awdal ee isaga iyo ciyaalkiisuba ka soo jeedeen miyaad ku aragtaan ugu yaraan hal mashruuc oo uu ugu mano sheegto maanta ama shaley ? wasiir prof. geedoole ma sahan gandoodnimo iyo ambad uu ahaa ayey ka aheyd mise Amar sare oo si dahsoon loo faraayey isaguna raacaayey oo uu ka ahaa weylo raac ujro qaata ah iyo calooshiisa u shaqeyste ayaa jirey ?
- imika iyo Wasiir Axmed Muumin Seedka ka arimiya Wasaarada Beeraha ee Somaliland, mido xilleedkiisa sannad iyadoona wali dhamaan waxa uu dalka oo dhan ka urursaday ammaan fara-badan iyo foolaad oo markaad milic-sato ruux diisa hoose iyo oogadiisuba farax iyo kal furnaan darteed deexo muusoonayaan taasi oo uu fadhiga ladi la’yahay dawaaf dartii Gobolada dalka; horaantii horaba waxa uu soo bandhigey qorshaha waxa uu qaban-doono oo ku asteysan goobo indha-rogosho iyo waji-gabax mar-labaad ku riday degmada Xeego iyo guud ahaan Gobolka Awdal intab ; wax kale maaha si kooban waxa uu fadalkiisu ka cabey horey halkii uu wasiir geedoole waadaanka ka waraabin jiray , si dhiiran waxa uu goob walba kaga baanaa beerista wax-soosaarka qaran ee mashaariicda banka ( Wajaale, XaaXi iyo Beer ) Xaaxi iyo Beer xaalka oo ku soo boodo ku noqday iyo xilli roobaadkii oo wareegay ayaa dabar ku xidhay arinkooda, balse Wajaale mashruuc la tijaabiyey oo guulesytay ayuu noqday, waxa isna ku barbar qabsadey beerista wajaale meel kale oo mid ah banka gudoomiyahay hay’ada ka hortaga masiibooyinka ; 2daasi tacab oo tijaabo baxey oo dalkuna si weyn ugu baahnaa wey soo go’een e’ kadaba khayr leh baynu leenahay iyo xoojinta tashigaasi iyo joogtayntiisuba waxa laga yaabaa in uu qaranka anfaco.
Isweydiintuse waxa ay tahay : 1a.) horey u aragnay wasiir geedoole e’ maxay tahay sababta uu wasiir axmed muumin ka wajaale, xaaxi iyo beer asteeyey in uu waxsoosaar qaran ka soo saaro ugu dari-waayey mashruuc haboon degmadiisii Xeego ama Baki , Boon iyo garbo-dadar iyo xariirad oo dhamaantood ah halka uu ka soo jeedo dhulka somaliland ugu biyo badan, oo xataa leh biyo dabeeciya oo guudka sare yaala???!!!
2b) Gabiley iyada oo heshay 2 mashruuc qaran oo waaweyn oo 2duba ka hirgaley banka wajaale ee ka mid ah Gabiley xaq iyo cadaalad miyey tahay in aad isla Gabiley 10/31/2018 astayn iyo dhagax dhig mashruuc 10 million dollar ah aad ugu cuurto ? Dalku ma Gabiley oo kaliyaa mise waa kalsooni la’aan iyo iska dhis madaxweynaha si aad wasiir u sii ahaato ?
3c) Wasiir Seed iyo Geedoole waxaan weydiinayaa waxaa aad mashaariic fuliseen wiilka iyo inanta caawa ku ag-dhasha iyo wiilka iyo inanta caawa xeego ama meel kale oo Awdal ka mid ah ku dhasha oo ay daan haba-yaraatee waxbaba meelna ugu asteynin iyamaa mustaqalkoodu u kala iftiin muuqdaa marka laga yimaado waxa alle u laaban???.
Maxay tahay Sababta ku kalifeysa in wasiiradan iyo wasiirada kale ee Awdal sidan u dhaqmaan tan iyo 1993 ???
Wasiir geedoole iyo seed hab-dhaqankan kali kuma aha, dhaqankan waxa la wadaaga wasiir kasta gobolkuu doono haka soo jeede’ oo bilaa kalsooni ah ha u badnaadeen kuwa Awdal u dhashay, sababtu waxa ay tahay waa dareen qaatayaal ku xisaabtama ku raali galinta had ba madaxweynaha markaa jooga wax-qabad cuuran si uu ugu yaraan uga farxiyo ama uga qosliyo isagana niyadiisu u naaxdo, halkaasna uu ka tabcado cimri dherer ka mudo xilleedka wasiirnimo.
Marka aan leeyahay hab-dhaqankan waxa ugu badan wasiirada Awdal ka soo jeeda, waxa daliil u ah laasimida hab-dhaqankan qar iska tuurnimada iyo calooshiisa u shaqeystenimada ku dhisan oo soo socday tan iyo dawladii ugu horeysay ee Borama lagu soo dhisay 1993 waa waxa ay ka dhalatay ( saami-doonka iyo tabashada reer Awdal in ay dareen taban qaataan ) qudhayda qof ahaan waa dhamacda iyo dhuxulaha igu shida in aan ka fikiro si ummadan baaqi uga hadho in la hello xal taasi oo marka aan ka geyn waayey ila noqotay in reer Awdal wax taransan karaan oo kaliya hadii ay hellaan ( Dawlad Goboleed ) waa isla sababta aan u istaadho ololeheeda si bari dadkan baaqi uga hadho, illeyn hadii la sii dugsado dadka noocaas dhaqan koodu yahay saw dabar-go maaha arinku!!.
Gunaanad iyo Gabogabo:
Wasiirada Awdal u dhashey tan iyo 1993 ma caayayo mana aflagaadeynayo sharafka ay sitaan ayey iga mudanyihiin balse waxa aan maagayaa waa hab-dhaqankooda aan xikmadeysneyn, reer gabiley meel igama jiraan waxa ay hayaan waan hayaa iyaga iyo dhamaan somaliland hayeeshee reer gabiley waxa aan ka leexinayaa cid kasta sifo daran xil kaga raadinaysa iyo waliba cayuunu naaska meel walba uga imanaya ee calooshiisa u shaqeyste kastaa la soo doonanaayo, wixii ay hayaan hada illaahey ha u barako galiyo.
Sax waxa ah qof kasta oo xil-ummada u qabta in uu dadka iyo dalka deegaan walba gaadho inta masuuliyadiisu gaadheyso oo uu ka baaqsado meel ku kuf, fursadii uu hellaba kula dul kufo meel kaliya.
Madaxweynaha waxa aan u soo jeedinayaa ummada oo dhan adiga ayaa masuul ka ah wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee aad madaxda uga dhigtay wey kuu fiicantahay in aad halbeeg ka dhigato hubinta ah in masuulkastaa gaadhey waxtarka dadkiisa iyo dadweynaha dalka oo dhan .
Dr.khadar -Libaaxley
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts