Madaxweynaha Dalka Uganda Musaveni Oo Soomaaliya Si Xun U Bah-dilay Goob Farmaajo Goob-joog Ku Ahaa.

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni, oo talo siinayay hoggaanka dalka Koofurta Suudan ayaa hadal gef ah ka sheegay dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Mr Museveni oo ka hadlayay Magaalada Jubba ee Xarunta Koofurta Suudaan ayaa sheegay in dadka Shisheeyaha ah ay doonayaan in ay Koofurta Suudaan ka dhigaan meel bahallo galeen ah sida Soomaaliya iyo Liibiya.

Yoweri Museveni, ayaa hadalkan ku qoray boggiisa Twitter-ka waxaana fal celin aad u qallsafsan uu kala kulmay inta badan dadkii aragtida ka dhiibtay hadalkiisa.

Waxaa uu farriintiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ugu mahad naqayo Madaxda Koofurta Suudaan go’aanka ay qaateen iyo sida ay u diideen danaha shisheeyaha sida uu yidhi.

Inta badan dadkii wax ka sheegayay Museveni ayaa isaga talo ahaan ku siinayay in uu marka hore xafiiska u banneeyo dhallinyarada Uganda,waxaana kuwa Soomaalida ah weydiinayeen inta Madaxweyne ee uu la kulmay inta uu xafiiska fadhiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker