Damaca beesha ciise , dul ku sidashada muuse biixi iyo saylici.by dharaar muuse hodaa

Damaca dhul doonka ama dhul boobka  ee beesha ciise ay ku dooneyso dhulka beelaha gadabuurssi gaar ahaan beelaha jibriil yoonis si gaar ahaan reer Dudub ayaa aad isku soo taraaya iyadoo ciise uu ka soo guurayo dhicana kililka shanaad ee itoobiya oo asal ahaan uu ka soo jeedo ciisaha dhulka doonaayi.

Dadkan ciise ee dhul uuna lahayn donaayi waa kuwa ka yimidey magaalada dire-Dawa oo aad moodo in la yidhi doonta waxaa jira dhul gadabuurssi oo cidla ah ayaa jire arintaasi oo ah mid keeni karta dagaal lagu hoobto oo keena dhimasho farabadan.

Inline image

 

Hadaba damaca ciisaha waxaa si qaawan u taageeraaya xukumada uu gadhwadeenka ka yihiin muuse biixi iyo saylici oo mar walba ciisaha la doonaaya  dhul aaney deganeyn ama aaney lahaynba,sidaaasi darteed beelaha gadabuurssi waxay ka degayaan oo ay uga digayaan beesha ciise iney joojiso dhulka aaney lahayn ee ay damacsan tahay,sidoo kale xukumada Waxaan uga digeynaa iney faraha kalabaxaan, haddiise arintaasi ay faraha kala bixi wayaan xukumadu waxaa dhici doonta wada joogitaanka iyo deganaasha JSL inuu wiiqmi doono.

Hadaan nahay beelaha gadabuurssi Waxaan u sheegeynaa madaxweynaha ,ku xigeenka,golaha wasiirada,golaha baarlamaanka iyo golaha guurtida in ay qabato gardaradan garabka haysata ee beesha ciise..

Si gaar ah madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha Waxaan u cadeyneynaa inaan la wada jogeyn hadaan wax laga qaban kanyar ee lagu sheegaayo badhasaabka gobolka Salal ee aan aqoonta u lahayn dhulka iyo dadkaba sida loo kala dego.

 

Madaxweynaha,madaxwene ku xigeenka iyo wasiirka amniga ee arintani ay qusayso waxaan ogeysiineynaa in Badhasaab Mawlid oo noqdey qof amarka ka qaata meel ka baxsan dalka JSLtaassina ay keentey inuu dhibaato horle ka abuuro degaanka uu masuulka ka yahay isagu isla markaana maanta madaxa la,iskula jiro,sidaasi darteed waxaa dhici karta wakhti dhaw in colaad horle oo kacmaha la iskula tegaa ay ka dhacaan gobolka Salal.

By dharaar muuse hodaal

Dharaarmuuse@gmail.com

Xariirad JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker