Kenya oo kasoo daadgureyneysa 3,000 oo qof dalka Suudaan

Ugu yaraan 3,000 oo Kenyan ah, ayaa ku xayiran dagaalka ka socda dalka Suudaan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Alfred Mutua Axadii.

Mutua ayaa sheegay in dowladdu ay la xiriirtay shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways, si ay isugu daydo oo ay usoo daadgureyso dadkaasi “marka ay xaaladda dagaalka qabowdo”.

“Waxaan la xiriirnay safaaradda aan ku leenahay Suudaan, waxaanan caawin doonnaa Keenyaanka halkaas ugu xayiran dagaallada socda awgood,” ayuu yiri Mr Mutua.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka codsaday madaxda gobolka in ay mowqif adag ka qaataan xiisadda Suudaan, si loo soo celiyo xasiloonidii dalkaasi.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa RSF, ayaa socda illaa iyo maanta oo Isniin ah, inkastoo beesha caalamka ay ka codsadeen dhinacyada dagaallamaya inay xabadda joojiyaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker