Agaasimaha Warfaafinta oo ka Qaybgalay Shir Lagu Falanqeeyey Saxaafadda oo Lagu Qabtay Tanzania
Hargeysa(OWN)-Agaasimaha guudΒ ee Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygigelintaΒ Md. Cismaan Xuseen Warsame oo muddo afar maalmood ah socdaalΒ shaqo ku joogaΒ waddanka Tanzania ayaa ka qeyb galay shir lagaga hadlayey kor u qaadida saxaafadda iyo baadbaadinta suxufiyiinta.
Siday ku warrantay Wakaallada Wararka ee SOLNA, Shirkaas waxa Agaasimaha guud ee Warfaafinta ku wehelinayey agaasimayaasha SOLJA, WIJA iyo xubno ka socdey Human Rights Centre- ka Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Warfaafintu waxa kaloo uu kula kulmay dalka Tanzania saraakiil iyo wufuuf ka kala socdey waddamada bariga Afrika.
Shirkaas lagu qabtay Tanzania waxa furayΒ Wasiirka Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo CiyaarahaΒ Tanzaania. Dr. Harrison Mwakyemba, waxaa kaloo ka soo qeyb galay madaxweynaha maxkamadda sare ee biniβaadanimadaΒ Afrika ( African Court of Human and Peoples Rights) Justice Sylvain Ore. Waxaa kaloo joogey Madaxa UNESCO ee bariga Afrika Mr. Tirso Dos Santos.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa masuuliyiintaasΒ si gaar gaar ah ula kulmay shirka kadib, waxaanay ka wada hadleenΒ hadleen xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya hayβadahaas iyo dalalka Somaliland iyo Tanzania iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoon isweydaarisiga noocan oo kale ah.





