Agaasimaha Warfaafinta oo ka Qaybgalay Shir Lagu Falanqeeyey Saxaafadda oo Lagu Qabtay Tanzania
Hargeysa(OWN)-Agaasimaha guudย ee Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygigelintaย Md. Cismaan Xuseen Warsame oo muddo afar maalmood ah socdaalย shaqo ku joogaย waddanka Tanzania ayaa ka qeyb galay shir lagaga hadlayey kor u qaadida saxaafadda iyo baadbaadinta suxufiyiinta.
Siday ku warrantay Wakaallada Wararka ee SOLNA, Shirkaas waxa Agaasimaha guud ee Warfaafinta ku wehelinayey agaasimayaasha SOLJA, WIJA iyo xubno ka socdey Human Rights Centre- ka Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Warfaafintu waxa kaloo uu kula kulmay dalka Tanzania saraakiil iyo wufuuf ka kala socdey waddamada bariga Afrika.
Shirkaas lagu qabtay Tanzania waxa furayย Wasiirka Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Ciyaarahaย Tanzaania. Dr. Harrison Mwakyemba, waxaa kaloo ka soo qeyb galay madaxweynaha maxkamadda sare ee biniโaadanimadaย Afrika ( African Court of Human and Peoples Rights) Justice Sylvain Ore. Waxaa kaloo joogey Madaxa UNESCO ee bariga Afrika Mr. Tirso Dos Santos.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa masuuliyiintaasย si gaar gaar ah ula kulmay shirka kadib, waxaanay ka wada hadleenย hadleen xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya hayโadahaas iyo dalalka Somaliland iyo Tanzania iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoon isweydaarisiga noocan oo kale ah.